14-MALEESHIYO OO ALSHABAAB AH OO ISA SOO….

(SAWIRKA)-ALSHABAABKII ISKA SOO DHIIBAY BAYDHABO.

(BAYDHABO)-Wararka laga helaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi tiradii ugu badneed ee ka tirsan kooxda Alshabaab ey isu soo dhiibeen hayadaha amaanka ee maamulkaas,tirada maleeshiyaadka ka tirsan Alshabaab ee isa soo diibtay ayaa gaarayo 14-qofood waxaane ku socdo baaritaan si loo ogaado waxa ey damacsan yihiin iyo inuu dhab ka yahay go’aanka soo gooshadooda iyo in kale. Kooxdaan isa soo dhiibtay ayaa sababta keentay iney isa soo dhiibaan ku sheegay iney soo food saartay cabsi iyo nolol xumo ey u dheer tahay cadaadis fara badan oo kaga yimid horjoogayaasha kooxda, Ismaaciil Adan Maxamed oo ka mid ah kooxda isa soo dhiibtay maanta ayaa sheegay inuu masuul kooxda Alshabaab uga ahaay soo ururinta Canshuurta ee degaanka Bacaad-Weyn ee koonfurta G/Mudug.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

QARAX KA DHACAY DULEEDKA MUQDISHO.

Next
Next

ALSHABAAB OO SHIDAAL IYO RAASHIN LAGA FURTAY.