10-KUN ASKERI OO LOO DIYAARIYEY AMNIGA DOORASHADA G/BANAADIR.
(SAWIRKA)-HAYADAHA AMAANKA.
(MUQDISHO)-Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ku dhowaad 10,000 askari oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin sugidda ammaanka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lagu wado inay ka qabsoomaan magaalada Muqdisho 25-ka Diseembar. Wasiirka Amniga Gudaha, Fartaag, oo la hadlay warbaahinta ka hor doorashooyinka, ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed ay dhammeysteen dhammaan qorshayaashii amni ee lagu xaqiijin lahaa in doorashadu u dhacdo si nabad ah oo hufan, Waxa uu xusay in ciidamadu ay mas’uul ka noqon doonaan sugidda ammaanka codbixiyeyaasha, goobaha codbixinta iyo shaqaalaha doorashada. “Booliska Soomaaliyeed waa kuwo u diyaarsan, awoodna u leh inay sugaan ammaanka doorashooyinka, Dhammaan diyaar-garowgii loo baahnaa waa la dhammeystiray,” ayuu yiri Wasiir Fartaag, isagoo carrabka ku adkeeyay in ilaalinta shacabka ay tahay mudnaanta koowaad ee hay’adaha ammaanka. Doorashooyinkan golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyay ee si toos ah ay dadweynuhu cod ugu dhiibtaan (hal qof, hal cod) muddo ka badan 50 sano. Hay’adaha ammaanka ayaa kordhiyay roondooyinka, wada-shaqeynta sirdoonka iyo baraha kantaroolka, iyadoo laga taxaddarayo khataro amni oo ka imaan kara kooxo hubeysan oo doonaya inay carqaladeeyaan geeddi-socodka doorashada.
XIGASHO-HOL.